Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tan iyo markii uu ka soo laabtay safarro uu kaga soo laabtay Kenya iyo Tanzania, waxa u...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tan iyo markii uu ka soo laabtay safarro uu kaga soo laabtay Kenya iyo Tanzania, waxa uu kulamo albaabada u xiran yihiin la qaadanayay Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Madaxweyne xasan sheekh Maxamuud ayaa damcay in Xildhibaanada uu ku qanciyo in ay taageeraan Golaha Wasiirada ee lagu soo magacaabi doono afar maalmood gudahood.
Xildhibaanada ayaa ka soo horjeeda in Golaha Wasiirada lagu soo daro xubno badan oo aan ka tirsaneyn Baarlamaanka.
Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland iyo kuwa Waqooyi ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ugu cad cad ee kasoo horjeeda, kuwaasoo ku doodaya in xukuumadihii hore ay xildhibaano badan ku soo dari jireen wasiiro heer federaal ah.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia, Madaxweyne Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Sabtidii kulan ku yeeshay, iyagoo ka wada hadlay xiisadda ay dareemayaan qaar ka mid ah Xildhibaanada. Waxa ay intaa ku dareen in kulamada gaarka ah ee ay la qaadanayaan Xildhibaanada uu yahay mid looga hortagayo in Golaha Wasiirada ay waayaan codka kalsoonida ee Baarlamaanka.
