Powered by Blogger.

Comments

recentcomments

sponsor

Video

[labeltest][video]

Recent Posts

Recent in Sports

Scranton personal injury lawyer

  Looking for a trusted personal injury lawyer in Scranton? At Diamont Law, we specialize in helping injured individuals get the compensatio...

Blog Archive

Search This Blog

Blog Archive

Subscribe

[blogger]

Post Top Ad

Author Details

Travel

[labeltest][column1]

About me

Add Me ON

Pinterest

recent posts

Like us on Facebook

Flickr Images

Contact us

Name

Email *

Message *

Beauty

Food

[labeltest][column2]

Facebook

[recent][slider1]

Post Top Ad

[labeltest][column2]

Top Featured

[recent][featured5]

Featured

Breaking News

[recent][newsticker]

Recent Posts

Madaxtooyada oo faah-faahin ka bixisay heshiiska Soomaaliya iyo Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo qaadatay afar maalmood ku joogay wadda...

Madaxtooyada oo faah-faahin ka bixisay heshiiska Soomaaliya iyo Eritrea


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo qaadatay afar maalmood ku joogay waddanka Ereteriya ayaa dalka dib ugu soo laabtay.


Booqashada Madaxweynaha aya salka ku haysay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo u kuur-galidda xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee taba barka u jooga dalkaas 


Labada Madaxweyne ayaa gunaanadkii booqashada kala saxiixday heshiis is af-garad oo taabanaya dhinacyo kala duwan. Qodobbada heshiiska is af-garad ee ay labada dowladood kala saxiixdeen ayaa ka kooban qodobbada hoos ku xusan:


1 Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal.


2 Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran.


3 Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.


4 Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska.


5 Adkaynta wada-shaqaynta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo wax ka qababashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.


6 Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.


7 In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta iskaashi, isdhexgal dhaqaale iyo xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan dalalka Geeska Afrika.


Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa intii uu joogay dalka Ereteriya waxa uu booqday xeryaha ay tababbarrada ku qaataan ciidamada kala duwan ee dalkaas jooga, isaga oo ugu dambayntiina booqday magalada Massawa oo ay tababbar u joogaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Madaxweynaha ayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada ku bogaadiyey tababbarrada adag ee ay qaateen isaga oo sidoo kalena uga warbixiyay ahmiyadda iyo mudnaanta ay dowladdu siinayso xorreynta dhulalka ay argagaxisadu haystaan iyo doorka la filayo in ciidamadani ka qaataan sugidda amniga guud ee dalka.



COMMENTS

BLOGGER: 1

featuredpost/labeltest,labeltest,labeltest
300x250
Name

7 Habits of Highly Effective People,1,attorney,2,Digital marketing,34,Health,7,HOSTING,1,INSURANCE,4,Lawyer,20,Loan,1,MAKE MONEY ONLINE,5,Maritime,1,Mortgage,1,Motivation,13,Motorcycle,3,News,36,SEO,1,Sports,29,story,2,
ltr
item
Shugri: Madaxtooyada oo faah-faahin ka bixisay heshiiska Soomaaliya iyo Eritrea
Madaxtooyada oo faah-faahin ka bixisay heshiiska Soomaaliya iyo Eritrea
https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjr-FW7A6RovbDE7nERM1LSRkYyUCNb1J2vTq6O0ZAsYS-t_hskJ-CmOeiy9ibvGLQL34qHAQyeMDXaWgU_NhBWSpsv9zysHNOm-7V5NbVQEA0Wyct-rN5s57BufmTphSAiDf0aKK8YP02KW9ypX58zTcvHqjJCKtDL8nh7CJXhieXYMwHz3GYYhS-CDg/w400-h266/Asmara5-1.jpg
https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjr-FW7A6RovbDE7nERM1LSRkYyUCNb1J2vTq6O0ZAsYS-t_hskJ-CmOeiy9ibvGLQL34qHAQyeMDXaWgU_NhBWSpsv9zysHNOm-7V5NbVQEA0Wyct-rN5s57BufmTphSAiDf0aKK8YP02KW9ypX58zTcvHqjJCKtDL8nh7CJXhieXYMwHz3GYYhS-CDg/s72-w400-c-h266/Asmara5-1.jpg
Shugri
https://shugri11.blogspot.com/2022/07/madaxtooyada-oo-faah-faahin-ka-bixisay.html
https://shugri11.blogspot.com/
https://shugri11.blogspot.com/
https://shugri11.blogspot.com/2022/07/madaxtooyada-oo-faah-faahin-ka-bixisay.html
true
6379992575424123398
UTF-8
Loaded All Posts Not found any posts VIEW ALL Readmore Reply Cancel reply Delete By Home PAGES POSTS View All RECOMMENDED FOR YOU LABEL ARCHIVE SEARCH ALL POSTS Not found any post match with your request Back Home Sunday Monday Tuesday Wednesday Thursday Friday Saturday Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat January February March April May June July August September October November December Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec just now 1 minute ago $$1$$ minutes ago 1 hour ago $$1$$ hours ago Yesterday $$1$$ days ago $$1$$ weeks ago more than 5 weeks ago Followers Follow THIS PREMIUM CONTENT IS LOCKED STEP 1: Share to a social network STEP 2: Click the link on your social network Copy All Code Select All Code All codes were copied to your clipboard Can not copy the codes / texts, please press [CTRL]+[C] (or CMD+C with Mac) to copy Table of Content