Waxaa ku noolaa nolol dagan bilaa buuq ah, waan ku faraxsanaaa wax kasta oo aan heysta waana ku qanacsanaa nimco kasta uu allaah igu maneyst...
Waxaa ku noolaa nolol dagan bilaa buuq ah, waan ku faraxsanaaa wax kasta oo aan heysta waana ku qanacsanaa nimco kasta uu allaah igu maneystay.
Maalin maalmaha kamid ah qadarka ayaa ina kulmiyay haddii aan awood ulaan lahaa maalintaa kulama kulmeyn kumana barteyn balse waxa ay aheyd mid xag rabbi iiga qorneed in aad qeyb ka noqotid nolosha gabadhii farxadda badneed maalinta murugada isoo martay ay aheyd maalinka waayay aabahey waqtigana waxaa aha 4 jir wax badana kama xasuusto waayo caruur ayaa ahaa.
Waan ku jeclaaday inta aad mudneed in ka badan, heer waxaa ku aaminay xitaa anoo qalalaadkaaga arkaya in aan iska dabaaliyo waliba isla anigii qaladka iga gashay in aan ku sameeyo cudur daarro aan jirin si aan xanuunka isakaga yareeyo mararka qaarna aan ku raali galiyo.
Waalida aan ku aaminay heer waxa ay igaarsiisay qof kasta oo iga kaa waaniya iina diga waa la dagaali jiray waana ka fogaan jiray xitaa dadkii iigu dhawaa ehel iyo asxaab.
Magaranayo sababta sidaa oo dhan nafteyda aan kuu wada raaciyay mararka qaar maskaxdeyda waxa ay ii sawiri jirtay in xiriirkaan uu san noqon doontid mid waara meel adagna isoo is taajin doono balse waqtigaa qalbigeyga waxaa oo dhan uma muuqan ana waxaa qaadan jiray sida qalbigeyga ku qanacsanyahay
Marba marka kasii dambeyso waa uun sii niyad jabaye rajadii aan lahaa quus ayay sii galeysaa, waxaan ka shalaayey qalalaadka aan dartaa uga galay dad badan oo ii dhawa wanaageygana jeclaa fiicnaan laheydaa xanuunkeyga in aan dareemi laheyd.
Waxaa noqday qof daciif ah adiga dartaa,sariirta iska saaran iskana islmeysaa mar kasta aan isku dayo in aan jawiga badashto si aan farxad u dareemo balse waan awoodi waayay.
Si kasta uu qofka ugu dulqaato maalin waxaa dhici doonto uu xamili waayo qalbigaaga xanuunka iyo dhaawaca joogtada ah ugu dambeyn maalintii waxaa waxaa gaaray go'aan aan dib uga noqosho laheyn. Qalbigii ku waalnaa maanta wax yar oo jaceyla ah ama naceyb ah uguma haayo.
Cashar nuucee ayaa dhaawac kusoo gaaray ka baratay qeybta xigta ayaa soo galin doonaa.
W/Q: Sundus Muuse Afeey
.png)